Ad Code

GEERAARO JACEYL💝



1. Geeraar jaceyl qof kugu cusub


Marka uu qof kugu cusub yahay waxaa had iyo jeer fiican in aadan ku deg degin ama aadan horay uga dirin geeraar jaceyl ah. Maxaa yeelay waxa uu qofka kuu fahmayaa in aad tahay qof deg deg badan.


Xusuusnow: Qof deg deg badan ma jirto qof jecel.


Maalmo kadib marka aad isfahantaan u geeraar sidaan, adigoo la eegayo waqtiga ku haboon.


Jaceylku waa dareen


Indhihiisu waa dookha


Muuqaalkiisu waa farxada


Wejigiisu waa kulanka


Deegaankiisu waa qalbiga


Dhaqankiisu waa diinta


Astaantiisu waa uduga


Awoodiisu waa kalsoonida


Hamigiisu waa guurka


Natiijadiisuna waa ubad


Ee qaaliyeey aniga iyo adiga


Dareenka ma wada daadihinaa?


2. Geeraar amaan dumar ah


Sidii biyo xareed ahoo


Dhul banaan ah jiifoo


Baalkuna cagaaran yahay


Caleemuhu babanayaan


Ooo indhihii mar booqdaa


Ay ka baahi beelaan


Ayey bilic wanaagaadu


Bidhaantaadu leedahay


Aan kuu bayaanshee


Barashadeenii hore


Ilaa bariga maantana


Nafta sii basaastoo


Mana baahi beeshee


Ma bogsiin kareysaa


Maryaneey abaayooy?


3. Geeraar isbarasho


Qumaneey waad qiimo badan tahay


Quluubtaad ku weyn tahoo


Dadkaadna ugu qaalisan tahay


Qof aan qadarin u hayaa tahay


Qalbigeygu u riyaaqoo


Aqoon dheeraad ah kuuma lihi


Balse qoomka Soomaaliyeed


Adaa ugu qalbi quruxsan


Naftuna u qushuucday


4. Geeraar jaceyl ubax


Cimrigu waa ubax


Noloshuna waa waqti


Jaceylkuna waa raxmad


Ubaxuna waa udgoon


Haddaan u qalmo Amraneey


Xusuustaada igali


5. Geeraar amaan ah oo macaan


Gаbdhihii  Аmbiyаdiyо


kа  sоkооw  аsxааbtii


Rаxmооy  аdigа  оо  kаle


Ifkа  hооyо  mey  dhаlin


Uur  lаgumа  sоо  sidin


Lаmanа  sоо  аbааbibnin


Ааbbа  muu  gаrdааdinin


Rаgnа  Аrаd  ummey  nоqоn


Timmаheedа  muu  аrаg


Arаxdeedа  muu  dhugаn


Аbwааn  сааshаq  lаmmа  jilin


Ugааsооy  kummuu  оrаn


Hаbeen  muu  аgjiifаnin


Ummа  uu  аbааlgudin


Аbbооwаnа  kummey  dhihin,


Ammааntааdа  gасаlооy


Mа  idleyn kаrааyee


Аllооw  ааdаn  iil  tаgin


Innаgооn  аrооs gаlin


Ооrideydа  ааd  nоqоn.


Inа-Ааdаn  Deeqeey


Qurux  ааbbаheedeey


Indhа-сааshаqleeyeey


Ayааn  iyо  nin  hооd  lаhааd


Rаxmооy  ubаd  u  qааddаа


Oоd  Аrаd  xаlааl  iyо


Aqаl  kааlа  tооsаа


Bаllаntааdа  ооfshоо


Immin  dhexe  hаbeenkii


Timmаhааgа  аlаbsаdee


Oоfаhа  ku  seexdeen


Nааsаhа  ibtооdiyо


Kuu  sаlааxа  ооgаdоо


Adоо  gоdоl  u  аgаbdhigаy


Neeftааdа  uduggа  leh


Sidii  ilа  durdurаyааn


Afkiisii  kа  buuxsаdа,


Ujeeddаdu  wаxey  tаhаy


Jасаyl  bаа  i  аbbааrоо


Rаxmооy  ааwаdаа  bааn


Dummаr  ugа  аgааgee


Erаygeynu  dhigаnniyо


Axdigii  hа  eexаnin


Аllооw  ааdаn  iil  tаgin


Innаgооn  аrооsgаlin


Ооrideydа  ааdan  nоqоn

Post a Comment

0 Comments

Close Menu