WAA SHEEKO CAJIIB AH OO DHEX MARTAY DAANYEER IYO CAMERA-MAN, OO MAXKAMAD DACWO UGA SOCOTAY.



Waa sheeko cajiib ah, Nin iyo Daanyeer oo maxkamad dacwo uga socotay mudo 6sano ah ayaa  isbuucaan lasoo gababeeyay😂 Ninka ayaa waxaa uu dalxiis u aaday meel lagu xanaayeeyo xayawaanada si uu sawiro ugu soo qaato marka uu hooshiisa dhameeystay iska soo baxay balse waxa uu meesha ku iloobay kaamirasiisa/Camera kadib marka uu u laabtay ayuu arkay Cameradii oo Daanyeer ku ciyaaraya ninkii oo daawanaya ayuu Daanyeerkii si lama filaan sawirkaan oo meesha saaran isaga qaaday, 

kadib ninkii kaamiradiisa ayuu soo qaatay, sawirkii ayuu suuq geyn u sameeye waxaas ka soo horjeestay dadka xuquuqda xayawaanada u dooda oo sheegay in sawirka xuquuqdiisa uu leeyahay daanyeerka maadaama isaga gacantiisa uu ku qaaday, sidaasna dacwo ugu gudbiye maxkamad, maxkamaduna ay go,aan ku soo saartay in uu ninka leeyahay xuquuqda sawirka maadaama uu kaamirada isagu lahaa balse uu wax u garto daanyeerka sawirka iska qaaday, ninkiina wuxuu sheegay in uu boqolkiiba 25 uu siin doono waxaa ka soo xarooda sawirka, Balse uu daba gal ku sameeyn doono lacagtaas haddii ay xayawaanadu ku bax iyo in kale isaga ku xumeeynaya kuwa dacwada ku soo oogay in aysan wax faa ido ka helin lacagtaas.#sugaanta10