Hadaba aan kula wadaagno xikmado qoraal ah oo aad u cajiib ah, xikmadahani waxa ay daba socdaan xikmado kale oo qoraal ah oo aan horay uga soo hadalnay. Qeybtaan qeybtii ka horeysay waxaan sidoo kale akhristayaasheena la wadaagnay qormmooyin xiiso kale oo xiiso leh. Haddii aad xiiseyneyso si fudud guji linkiga casaanka ah si aad wax badan uga faaiido. 
 XIKMADO QORAAL OO XUL AH. 
Guusha: Caqabad walbaa oo kugu timaado waxa ay kuu tilmaameysaa, wadadii aad ku guuleysan lahayd.

Nolosha: Qery baan sugayaa nolosha qeybaha ii haray Allah qaniyaan baryaa inaan qurux kaga gudbo.

Wax kastaa oo dhalaalaya ha raacin! Sababtoo ah, dabkuba wuu dhalaalaa.

Kalsooni: Kalsoonidu kama timaado inaad mar walbaa saxnaato balse waxay ka timaadaa inaadan ka baqin inaad wax qalad

▪️“Wuxuu wali dhagaystaa
▪️Heesuhuu Dhallaanimo
▪️Dhambaal kuugu qori jiray”.

 

Afka lagama sheegto oo qoraal ah. KHADRO DAAHIR CIGE.

Damaca badan: Qofkii badan damciyaa, dhamaan ayuu waayaa!.

Rajo: Noqo qof markeey dadka arkaan ay dhahaaan aduunka weli qeyr kama dhamaan. Ha rajo dhigin, maxaa yeelay rajadu waa waxa kaliya ee nafta lagu sasabi karo.

Xusuus: Mararka qaarkoodna, xusuusta qofka waxay ku raagtaa noloshaada in ka badan qofka laftiisa.

Balan qaad: Qofka daacada ah waxa uu ballanta qaadaa asagoo murugsan,waxa uu garanayaa culayska ay leedahay ballantu.

Xaqirid: Way fuduahahay inaad xaqirto wax aadan helin karin.

Khaa’inku waxa uu ballan qaadaa asagoo faraxsan,waxa uuna nafta u sheegaa inay u hirgashay khayaanadii oo maanta la aaminay..

Ixtiraam: In aad shaqsiyaddaada ixtiraamto waxaa kamid ah in aad ka dheeraato dadka kuwooda aan qiimahaaga garaneyn. – Dr Mustafa Mahamud.

 XIKMAD QORAAL AH Q.1AAD


XIKMADA SHEIKH MUSTAFE X.ISMAIL OO CAJIIB AH.

Murugo: Waxa aan murugoodaa marka aan xasuusto qof wanaagsanaa oo aduunyada kaga ambabaxay safar aan soo noqosho lahaynd


Salaada: Waxa ay u toosisay salaadi subax wuuna kici waayay, hadana way ku noqotay markii salaada laga baxay bal inuu hadda tukado hadana muu kicin! Mar sadexaad ayay ku noqotay hadana ma uusan kicin! Wuxuuna lahaa imtixaan 9:30 subaxnimo, hurdadii ayaa la dheeraatay wuxuuna toosay 4:00 barqinnimo, wuxuuna ku yidhi: “hooyo imtixaan ayaan lahaa waad ogayde maxaad ii kicin wayday 9:30ka. Waxayna ku tiri: imtixaankii 1-aad ayaad ku dhacday, kan labaadna waxba sheegi maayo xattaa hadaad baastid. Salaadu waa furaha shay kasta.


Hadalka wanaagsan: Hadalka hadii uuna ahayn ( ku dhiiri galinta sadaqada , farid wanaag, reebid xumaan, heshiisiinta dadka ) wax khayr ah kuma jiro.


Daacadnimo: In aad noqoto qof daacad ah macnaheeda ma ahan in aad tahay qof daciif ah.


Erayo jaceyl a-z


In aad noqotaana qof go’aan leh macnaheedu ma ahan in aad tahay qof dabeecad xun sidaa dartee noqo qof daacad ah oo dabeecad wanaagsan leh.


Mar walba oo aad niyad jabtaa waad sii guul dareysaneysaa. Isku day in aadan marna ka nijyad jabin hadafka aad noloshaada ku hormarineyso.


Tusaale wanaagsan: Markii uu Abubakar dhintay Cumar ayaa Halkii Kasii waday Daryeelkii uu Abubakar daryeeli jiray waayeelada, islaan waayeel ahayd ayaa Cumar ku tiri miyuu dhintay “Saaxiibkaagii” markaasu Cumar ku yiri Maxaad ku Ogaatay waxay ku tiri timirtii ayaad ii keentay lafihiina kamaad soo bixin. Allow inta aad u gar-gaarto, danyar dulmina Aan Falin Naga Yeel, sida Dadkii Naga Horeeyay ee Tusaalaha Wanaagsan nooga tagay.

Sabarka: Caatika waxaa guursadey wiilka Abuubakar Sidiiq waxeyna aheyd mid jecel isaguna uu jecel yahay jaceyl aan la tilmaami karin. Kadib ayuu ka dhintay oo uu shahiidey, dabadeedna waxaa u dag dagey guurkeeda Cumar Faaruuq Allaha ka raali noqdee, kadibna wuu ka dhintey isagoo shihiidey, kadib waxaa u dag dagey karaameyn teeda iyo guurkeeda gargaarihii Nabiga S.C.W Subeyr Ibnu Cawaam waa la dilay isagoo shihiida.


Maysan odhan ( waa tii balaayada nimankeeda usoo jiideysay) balse waxey dheheen ( qofkii doonaya shahaado, Caatika ha guursado) Malo wanaagsani waa sad wax loo dhigo uusan jirin.