Waxaad xiiseysaa geeraar jaceyl gaar ahaan kuwo romantic ah misana top ah, hadaba waxaad joogtaa halka saxada ah. Sida loogu geeraaro qofka aad jeceshahay ama aad ka heshay waa wax fudud, boggeena ayaad ku baran kartaa. 

Sidoo kale haddii aad xiiseyneyso erayo jaceyl ah, waxaan boggeena kuugu diyaarinay erayo romantic ah oo qalbiga soo jiidanayo. Hadaba sidee loo qoraa geeraar jaceyl ah qaasatan mid soo jiidasho leh?

Jawaabta: waa mid fudud.

Aan kula wadaagno qormadii ugu horeysay ee ku saabsan geeraaro jaceyl ah oo weliba xul ah. Fadlan haddii aad ka hesho caawi boggeena oo sii faafi lana wadaag asxaabtaada. Waan kaaga mahadcelineynaa taageeradaadaa! Anagana waxaan had iyo jeer kula wadaago geeraaro kuwii ugu dambeeyay oo romantic ah.



 
QORMADA INTA AY KA KOOBAN TAHAY:


•Geeraar jaceyl oo xul ah



•Geeraar Caashaq Oo Codsi Ah



•Geeraar Jaceyl romantic ah



•Geeraar Jaceyl soo jiidasho leh



 •Geeraar Jaceyl ah oo gaaban qeybtii koowaad



•Geeraar Jaceyl ah oo gaaban qeybtii labaad



•Geeraar kalsooni jaceyl ah oo macaan



•Geeraar Jaceyl oo calaacal ah



•Geeraar caashaq ah



•Geeraar Jaceyl qof kugu cusub



•Geeraar murugo ah



•Geeraar amaan jaceyl ah



•Geeraar caashaq oo amaan ah



GEERAAR JACEYL XUL AH.


Laba dhoof ku kala maqan

Midba dhinac ku noolyahay

Isku Qaba jaceyl dhab ah

Dhambaal leysku diro

Dhiiri galin ku wada nool

Dharaarteey kulmayaan

Soo dhawee Allahayow



GEERAAR CAASHAQ OO CODSI AH.


Hamigii nafteydaay

Haween boqoradeedaay

Haasaawe taan wadaagnee

Hami guur u qaaday

Hooy inaan wada galnoo

Hanad ii xanbaartaan

Haminayaaa macaaneey

Hadal aan dhameeyee

Howsha ila qabo oo

Hamigeyga ii rumee

Haween boqoradeedaay

Hubaal waan ku sugayaa

Hanti tan Ugu qaalisaney

Hadal aan dhameeynee

Howsha ila qabo oo 

Hamigeyga ii rumee



GEERAAR JACEYL ROMANTIC AH.


Kalgaceyl ma ku wada aqal galnaa

Caashaqana wada doogsanaa

Muxibada ma wada diirsanaaa

Dareenka maku wada dalxiisnaa

Farxadda ma wada daadaheynaa

Danta meel ma u wada jiheynaaa

Jaceyl ma wada xusnaaa

Habeen, maalin iyo xili walbaaa?



GEERAAR JACEYL SOO JIIDASHO LEH.


Macaneey noloshu la,aantaa

Waa Pizza bilaa jiis ah

Noloshu la,aaantaa

Waa Baasto bilaaa suugo ah

Quruxeey noloshu la,aantaa

Waa bariis bilaa moos ah

Qalbiyeey noloshu la,aantaa

Waa bilaa dhadhan

Waan ku jeclahay.



 GEERAAR JACEYL OO GAABAN QAYBTII 1AAD.


Qurux lagu daray hanaan

Heybad lagu helo amaan

Aqoon lagu saday hafnaan

Naxariis hiil iyo mudnaan

Hodannimiyo gacan furnaan

Milgeyn hooyiyo samaan

Canabaa hablaha dhamaan

Aduunyada u ah hoggaan.



GEERAAR JACEYL OO GAABAN QAYBTII 2AAD.


Hadii shinidu Ogaan lahayd

Macaanka labadaada dibnood

Malabka weey ka soo tagi lahayd

Oo dibnahaaga ayeey ku noolaan lahayd



GEERAAR KALSOONI JACEYL AH OO MACAAN.


Hamigii nafteydaay

Haween boqoradeydaay

Haasaawe taan wadaagnee

Hami guur u qaaday

Hooy in aan wada galnoo

Hanad ii xambaartaan

Haminaayaa macaaneey

Hadal aan dhameeye

Howsha ila qabo oo

Hamigeyga ii rumee

Haween boqoradeydaay

Hubaal waan ku sugayaaa

Hanti tan u qaalisaneey

Hadal aan dhameynee

Howsha ila qabo oo

Hamigeyga ii rumeeey.



GEERAAR JACEYL OO CALAACAL AH.


Garab baan kaa rabaa

Gacal aan wadaagnoo

Galabtii alle keeno

Garbahaan isku hayaa

Gargaar ii fidi

Haddaan ku waayo habeenkii

Hurdo waan ka quustaa

Harsina warkeed daa

Halbowlihii dhiigga sidey iyo

Hungurigaa I istaagey

Hamuun baa ii heysee

Hal mar ii imow

Adaan kuu hilboobee

Intaan iilka lay dhigin

Intaan alwaaxa laygu xirin

I saar sambabada agtoodiyo

Saableyda caloosha

Si uun aan u maqsuudo

Sahal ma ahan caashaq

Sidaan ha ii galin



GEERAAR CAASHAQ AH.


Sahal maahan caashaqu

Mar hadduu ku saaqo

Wadnahana surnaado

Suuradaada wacan baa

Saqda dhexe habeenkii

Sahwi baan dareemaa

Siduu ii saaqay daranaa

Sida aan u surnaa

Saqdi dhexe habeenkii

Barbarkaan u jiifsado

Baryo ka soo kici maayo

Bogga iyo calooshiyo

Beerkaa la iiga badan yahay

Bartaada hadaan arko

Bisha afar iyo tobnaad baa

Ber walba ku moodaa

Bilicdaada wacan baa

Bartamaha habeenkii

Bilicsami u eegaa.



GEERAAR JACEYL QOF KUGU CUSUB.



Haddaan hawada kaa arkey

Hungurigii oo idil

Hami waan u waayey

Hilow caahaq baan hiigsadaa

Ma hurdo habeenkii

Halbowlihii dhiigga wadey iyo

Hagihii nafteydaa adigaan kuu hibeeyee

Haddan adiga ku helin

Hubaal waxaa ah

Hambalyaan iska daayee

Harsi waan ka sabrey

Iyo hurdo habeen oo idil



Halkaan waxaan ku diyaarinay: Erayo naxariis badan oo jacayl ah



GEERAAR MURUGO AH.


Markii aan ku waayey

Midigteydi baa luntey

Marxabeyn iska daayee

Murug baan dareemey

Macnahaasi maan garan

Ma caashaq baa I helay

Ma hogaan baan rabaa

Ma adigaan ku tabey

Marxaladaan joogo

Ma qiyaasi karaayo

Marxuum in aan ahay

Mugdi inaan ku jiro

Marqaati looma haabno

Midig caashaq ii fiiri

Mar haddaan ku waayo

Mugdi baan dareemaa


GEERAAR AMAAN DUMAR AH.


Dahab baa lagu moodaa

Hadduu ruux ku daawado

Kaama daayo eegmada

Danihiisa wuu gabaa

Da,yar wacan inaad tahay

Dadkaan u sheegaa

Daliil looma baahna

Da,yartii qurxooneyd

Dadku eegi waayeen

Dahab la mood inaad tahay

Daah igama saarna

Dooq haduu jiro

Da,yar loo qaado

Dad kale uma qalmo

Doolar iyo diinaar

Inta hanti dunidaan taalo

Adigaa ka door roon

Damqashada jirkeygaan

Weli wuu dareemaa

Daacad wacan inaad tahay

Dadkoo dhan wey yaqaanaan.

Warqaad badanaa ninku qormo xiiso leh



GEERAAR CAASHAQ OO AMAAN AH.


Haddii dumar asluubiyo

Dabci fiican leedahay

Dulqaad tii u dhalataay

Dadnimadiyo sharafta

Duco waalidkeyda

Tii loogu daray

Daacadnimo waxaa hela

Danahooda taam noqon

Duulkii Illaah iyo 

Diintiisa caabuda

Dariiqii Rasuulkana 

Aan dacalka dhaafine

Taa waxaan ugu danleeyahay

Waa maalmo aduunyaduye

Dumar taan ka doortaay

Ilo garo danteenoo

Dowoga toosan ii raac.