GEERAAR AMAAN DUMAR OO GAABAN.


 Joogaaga dheer iyo,
 Xibnahaaga jalaqsani,

 Jalleecada kalgacalka leh,
 Jaahaaga quruxda leh,

 Timahaagan jiifee,
 Miskahaaga joogiyo,

 Dhexdan taako lagu jaray,
 Jirkaagaan xariirta ah,

 Jaad samida codkaagiyo,
 Qosolkaaga jilicsani,

 Jaanqaadka socodkiyo,
 Jiijiidka laafyaha,

 Kama jeesan karayoo,
 Waan kugu jidboodee,

 Wax i jiidanaayoo,
 Qalbigayga jiiraa,

 Kugu jiro jamaal badan,
 Jooharad miyaa tahay,

 Misa jawhar luulkiyo,
 Dheeman dahab lasoo jaray,

 Jeenigaaga ii dhiib,
 Jannadii aduunkiyo,

 Beeraha jacaylka ah,
 Farxad igula soo joog,

Markay ku arkaan indhuhu,
Eegmada kaama weeciyaan,

Afkuna erayada kalgacal,
Waxan ahayn kuma ortee,

Oraahdaaday dhaguhu,
U xiisaan had iyo jeer,

Intaad iga maqantuhuu,
Qalbigu i ilmaynayaa,

Oonkaa iga bixi lahaa,
Hadaan kula aqal galee,

Hadaad ubad ii dhashana,
Nicmaan ku ildoogsan laa,

Aduun waa ayaan quroo,
Eebbaa loo laabaniye,

Allow yaad aakhirana,
U noqotaa xawralcayn !