GUUSHU WAA MAXAY?
Guushu waa himilo iyo hiigsi aad leedahay oo aad gaarto, mana aha mid ku timaada xaglo laaban, sahal, fikir gaabni, hami yari iyo samir yaraan toona.
Guusha waxa go’aamiya hanka, hiigsiga iyo humaagyada mustaqbaleed ee qofku meel dhigtay, markaas waxay ka dhigantahay, nin waxa guul u ah ayaa mid kale u ah bilawga hayaanka guuleed ee uu hiigsanayo.
Guushu waa helida dhamaan waxaad ka doonayso nolosha amase fulinta qorshihii aad hore u dajisatay, islamar ahaantaana guushu waa adoo kaca aroortii adoo dareemaya farxad oon aan dareemayn cidhiidhi iyo diiqad.
Wax ka baro astaamaha guusha:-
1. Dajinta hami iyo hiigsi
Isbadal jogto ah : dhaman dadka raba inay nolosha ka sameeyan Guul waxay naftooda ku qanciyaan inuu isbadal waajib yahay, waxay hoos iyo korba dadka uu codkoodu gaaro ugu sheegan in isbadal loo bahan yahay, waxaa mararka qaar dhacda in lagu arko qof qaldan balse waa wax noolasha ku caadiya, Nabi Muxamed (CSW), ayaa tusale fiican kuugu ah, iyo dhamaan dadka noolasha horumarka ka sameeyey midkastood noolashiisa baarto.
2. In aanad mar labaad sameyn khalad aad horay u sameysay, taasi micnaheedu maaha in hadii aad shey mar ku guuldareysato in aad mar kale ku guuldareysanayso, laakin waxay tahay in aad wax ka barato khaladaad kaagii hore ee aad Khaladkaaga aad wax kabaratid, oo aanad ku sii socan waa wadada guusha.
3.Humaag iyo Qanaco Isbadalku Noocu noqonayo: dhaman dadka noolasha ka sameeyey horumarka waxay ku qanacsanayen inay gaarayan meel ka fiican halka ay joogan, dhamaan waxay madaxa ku haystaan sawir ka turjumaya noolasha ay hayaanka ku yihin, waxay markaad la sheekaysto ama akhrido buugta taariikh nololeedkooda ku arkaysaa Riyo iyo wakhti ay sooo jeedan, taasoo adiga kula muuqata wax meel dheer kaa jira balse isaga ula muuqata xaqiiq, waana ta dhaxalsiisa adayga iyo gaarida noolasha ay raban.
4. Dadaal iyo Karti dheerad ah: dhamaan dadka macnaha sameeyey ee kugu xeeran haday noqoto sheekh iyo shariifba midkasta wuxuu goostay wuxuu beertay, midkasta wuxuu ku naaloonayaa habeenkiisa iyo maalintiisa intu gashaday, taasina waa ta dadka kala sareeysiisay, ee guulayste iyo guuldarayste ka dhigtay.
5. Samir iyo Dulqaad: Dhamaan qofkasta oo noolasha hormar ka gaaray ku meysan gaarin saacado, maalin iyo habeen toona ee waxaa loo baahanyahay Samir iyo dulqaad si aad u noqoto qof guuleysta.
6. Go’an iyo Xoog Saarid: ma jiro qof meel gaaray oon dadka fikirkiisa ku qancin, waxaa loo baahanyahay waxa aad qabaneysid iney noqdaan wax ay kaa go’antahay sidookalana aad xoog saartid waxa aad qanaeysid. Dhamaan dadkii xooga saaray kana go’neyd waxa ay qabanaayaan waxay ahaayeen dad macna ka sameeyay noolashooda kuna qancay.
7. Guulaha iyo wax soosaarka cusub ee manta la gaaray waa riyadii shalay. Haddii aad u fiirsato waxyaabaha kugu xeeran sida dhismayaasha dhaadheer, maraakiibta,diyaaradaha, telefonada ,internetka iyo idaacadahuba waxay shalay ahaayen riyo ku jirta maskaxda mid kamid ah dadkii daahfuray. Riyadadu waa meesha ay ka bilaabanto guul kastaba waa waxa ugu muhiimsan ee wax qabadka. Mid xusuusnow riyadu xuduud malaha.
Wuxu yidhi Alber Ayniston : “Riyadu way ka muhiimsan tahay Aqoonta”
8.Arimaha ugu waaweyn ee guusha lagu gaadho waxaa kamida samirka, oo ah inaad adkaysi uyeelato dhibaatada oo aanad dagdagin Ilaahayna Qur’aankiisa wuuxu ku yiri “samra oo dhabar adayga oo ilaahay ka baqa waad guulaysan doontaane” markaa Illahay guusha wuxuu ku xiray waa samir. Waxa kale oo Illahay aayado farabadan kaga hadlay samirka abaalkiisu in uu yahay jano iyo khayr. Marka aan ka hadleyno horumarka maadiga ahna waa inaad u samirto shaqada aad hayso ee aad ku hiigsanayso guusha aad rabtid.
Xaglo Laaban Guul laguma Gaaro
Adu ha is xaqirin inta aanay dadka kale ku xaqirin, Isku kalsoonow oo niyadaada wanaaji Illaahayna talo saaro markasta.
9.Ha u ogolaan dadka kale iney hoos kuu dhigaan.Waxa hubaal ah in aad soo martay noloshaada guuldarooyin farobadan. si kastaba ha ahaatee ha u ogolaan dadka kale in ay ku niyad-jabiyaan ama ay kugu tilmaamaan in aad tahay qof aan waxba qabsan Karin. Ma jiro qof wada wanaagsan qof waliba khalad wuu sameeyaa, hadaba ku dhiirigeli naftaada in aad tahay qof wax qabsan kara oona guulaysan kara.
10.Ha ka baqan guusha: hadii aad ka baqato, wadada guuldarada ayaad ku dhacaysaa waligaana lagama yaabo in aad guuleysatid.
Guusha kuu imaan mayso ee adaa raadsanaaya .
Waad guulaysan insha Allah
11.In qofku baadho waxyaabaha uu u baahan yahay inuu sameeyo si uu u guulaysto iyo waxyaabaha ka hor istaagi kara guusha.
12. Isku kalsoonow oo niyadada waanaji Illaahey talo saaro markasta.
Ugu dambeyntii dadkani waxay sifo u leeyihiin Abaabulka iyo Adeegsiga awooda dadka kale, ama deegaanka ku xeeeran, waxay inta badan isku dayaan inay abuurtaan jawi la saaxiiba kaa soo ku gacansiiya marka ay hoos marto, sida Lataliyayaal daacad ah, iyo cidkastoo ay u arkaan inay gacan kasiineyso gaarida halka ay rabaan, waxaanay isku dayaan iney yareeyaan Cadawgooda wakhtiga bilawga.
Wax kabaro hababka looga hortago guul-daradda:-
Talo bixin.
•Waa inuu joogteeyaa oo ku dadaalaa hayaanka uu ugu jiro guusha.
•Waa inaad hubisaa kolba inaad hayso hilinka iyo toobiyaha aad u marayso guusha.
•Waa inaad u samirtaa hadimooyinka ku gadaaman jidka guusha oo hadii aad dhib la kulanto aad ka gudubtid .
•Waa inaad niyad samaan iyo talo saarasho Alle aad la timaadaa.
Noqo dadka markay Guusha gaaran, had iyo jeer Ilaahay u mahadnaqa oo ka dheeraadaa kibir iyo wixii lamid ah , una tafoxaydataa sidii aad guulo kale u gaari laheed.
Waxa la isku raacay in guusha dhabta ah ee waaraysaa ay tahay guulaysashada if iyo aakhiroba iyo raali ahaanshaha Rabbi.
Sida ilaahay (SWC) ku sheegay, qofka guusha dhabta ah gaadhay inuu yahay “qofka la dhaafiyo naar ama aan galin naar, Janaduna hoy u noqoto, kaas ayaa guulaystay.
-Muhiimadu waxa weeyaan, inaad ogaato micnaha iyo ujeedada aad u nooshahay ee aad aduunyada u joogto, hadaad u fiirsato dadka nolosha aan fahansanayn waxaad arkaysaa iyaga oo nolosha ka quustay, wax guul ahna ka gaadhin.
Xaglo Laban Guul laguma Gadho!!!
4 Sababood oo kaa Hortaagan Guusha
Sida loo noqdo qof guulaysta nolosha
Si kasoo horjeeda sida dad badani aaminsanyihiin ma jiraan dad aan guulaysan amase guuldaraystaa, hase ahaatee waxa jira dad haysta fursadaha lagu guulaysto kuwaasi yaqaana sida looga faa’idaysto. Waxa kaloo jira dad haysta fursadahaas balse aan garanayn sida looga faa’iidaysto.
Waxa kaliya eed ubaahantahay inaad qabato si aad guul ugaadho waa inaad si sax ah u qabato waxa dadka guulaystay sameeyeen.markaad akhridid warbixintan hoose waxaad si buuxda u heli doontaa dhamaan fikradihii ay xambaarsanaayeen dadka guusha gaadhay taasi oo kaa caawinaysa inaad guul gaadho.
Maxaan u guulaysan waayay?
Hadaad dhab u doonayso inaad guulaysto waa inaad si qotodheer ufahantaa fikradaha guud ee cayimaya fursadahaaga kaana dhigaya qof aan guulaysan.
Dadka guulaystaa waxay ka fogaadaan fikradahaan curyaamiyay dad badan sidoo kale waa inaad adna ka fogaataa:
Fikradaha khiyaaliga ah: Fikradaha khiyaaliga ahi waa fikradaha aan saxda ahayn eed naftaada ama wax ka aaminsantahay.Fikradaha khiyaaliga ah waxaa ka mida “waligay shaqo ka heli maayo wadanka” ama “tan waxba ma dhexyaalaan”.Fikradaha khiyaaliga ahi waxay si toos ah uxadidaan fursadahaaga dhabta ah iyo guushaadaba.Ka takhalusida fikradahaas iyo inaad waxbadan ka ogaataa waa hawsha ugu muhiimsan ee ay tahay inaad qabato haddii aad u jeelantahay guul. Fikradaha khiyaaliga ahi ma xadidayaan oo kaliya fursadahaaga balse waxay burburin karaan noloshaada.
Adkaysi la’aan: Kawaran adigoo leh waxbarasho tayo sare leh iyo xirfado aad u sareeya hadii aad ka rajo dhigto guusha kadib markaad guul daraysato hal ama laba jeer? dadka kaliya ee nolosha ku guulaystaa waa dadka adkaysiga leh kuwa aan ka hadhin haddafkooda iyo hiigsigooda illaa inta ay ka helayaan waxay doonayaan xataa haday waxkastaa lidi ku noqdaan iyo xataa haday guul daraystaan waxbadan.
Isbadal la’aan: Isbadalku waa awooda lagula qabsado xaaladaha guud. Waa awooda layskugu dayo shay kale ama habkale hadii uu hab kuu shaqayn waayo.Isbadalkaaga oo bata waxaa badanaya laqabsashada aad la qabsanayso xaaladaha kala duwan taasi oo badinaysa fursadahaaga guusha.
Qorshe la’aan: hadii aanad hadaf iyo qorshe lahayn ogow inaad noqonayso qayb ka mid ah dadka kale qorshahooda. Hadii aanay kuu qorshaysnayn inaad noqoto hogaamiyaha tiimka ama kooxda aad wada shaqaysaan qof kale oo kamida kooxdiina ayaa qorshaysan doona sidoo kale hadii aanay kuu qorshaysnayn inaad ku dadaasho shaqada mushaharka sare leh ogow in qof qorshaystay uu kaa buuxin doono. Wuxuu kaa buuxin doonaa booskaa mushaharka sare leh, lacagta badana isagaa qaadan doona, isaga ayaana caan noqon doona halka aad ka noqon doonto daawade.qorshuhu wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa guusha.
Fadlan walaal adigoo mahadsan #Share dheh oo la wadaag Asxaabtaada Si aay u aqriyaan Qoraalkan.
WQ/khaalidmustafaDoop.

0 Comments
"Waad ku mahadsan tahay fariintaada! Haddii aanan isla markiiba ka jawaabin, waxaan ku suganahay xaalad aan ka jawaabi karin. Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan ugu soo jawaabi lahaa sida ugu dhaqsaha badan. Mahadsanid sabirkaaga!"