XAASKII NINKEEDA TIJAABINAYSAY.

Wax aan sidaa u fogeyn ayaa gabadh Xaas ahi dareentay in ninkeedu ka sii Jeedo, oo ka mashquulay waxay Jecleysatay inay ogaato sida uu ninkeedu noqonayo haddii ay ka Tagto iyada oo aan u sheegin, halka Ay tagayso Waxay go'aansatay inay u qorto warqad ay u sheegayso inay ka daashay nolol Danbe inay kula noolaato, waxay ogayd Inay tahay talaabo ciyaalnimo ah, balse quruxbadan in ay tijaabiso si ay u ogaato Falcelintiisa, hagaag Markii ay warqadii dhameysay ayay saartay miiska dabadeedna hoos Gashey sariirta. lyada oo sugaysa In uu xanaaqo oo uu ka qoomameeyo. 
Markii uu ninkeedii yimaaday guriga, waxa uu akhriyey warqaddii kadib Waxoogaa markii uu aamusnaa ayaa uu Qalin la booday, kaddibna wax ayuu Warqadii ku xariiqay, dabadeed markiiba Waxa uu bilaabay in uu dharka Iska badelo, foodhyo, hees qaado, wuxu Umuuqday mid aad u faraxsan. Halkii uu Ka xanaaqi lahaa ee uu ciilkaambiyi lahaa.
Gabadhii aad ayay u naxday, oo ay qalbi Jabtay, laakiin waa inta hore uun, waxа uu

bilaabay inuu qof waco, iyaduna hoosta Ayay ka dhageysaneysa:

liwaran baby, imika culayskii oo dhan ayaa igadegay, tii aan qabay maantay igala Tagtay culayskeedii, mardhaw kaddib ayaan kuu imanaya, Babe.
Kaddib inta uu albaabkii iska furay ayaa Aad yar iska baxay, xaaskiisii markii ay dareentay in uu kabaxay guriga, ayay ka Soo hoos baxdey sariirtii iyada oo hiqdaa Haysa oo indhihii casaadeen. Ayay eegtay wixii uu ku qorayay warqadda, iyada oo ilmaynaysa ayay akhriday qoraalkii saa waxa ku qornaa.
"Waxa aan arki karaayay lugahaagan Nacasyahay ee sii joog guriga aan roodhi soo iibiyee" 😅😂