Tani waa Nuura waxay caan ku tahay (daqaaqa nuura) waa fanaanad caan ah
Oo ka Heesta xafladaha aroosyada iwl.
Nuura caan nimadeeda saaid ayey ahayd dadkane aroosyada ayey ka wacan jireen sababto ah codkeeda ayaa aad u macana,
Maalin maalmaha kamid ah Nuura ayaa laga soo dalbaday Aroos iyada ne way aqbashay sababto ah waa shaqadeeda wax ay ka shakiso meesha mayaalo
Dabcan Nuura wey aaday OO xaflada aroosku waxay ka dhacaysay Guri qasri ah Nuura iyo azxpteeduna waligood ma aysan arkin guriga sidaan uweyn ee qasriga ah xitta uma aysan maleenayn in uu magaaladooda ku yaalo Guri ama Qasri sidaan oo kale u weyn waa ay la yaabeen maadaama aysan gurigan hore ugu arkin magaala dooda sababtoo ah Nuura iyo asxaabteeda waxay ahaayeen dad caan ka ah magaalada aroosyo badana hore usoo arkay oo magaalada kala yaqaana, kadib iyaga OO yaaban ayaa nuura asxaabteeda usheegtay in ay kaliya hawshoodu uun raacdan, xaflada arooskane waxaa arooska joogay dad waaweyn iyo ilmo yar yar aad u badan wax walbane dabiici ayuu ahaa kadib si lama filaana......
Gabar kamid ah gabdhihii la socday Nuura ayaa ku dhahday nuura madareemin miyaa dadkaan marki aan salaamno korkoodu kuleel saaid ayaa kasoo baxaayo?
Nuura waxay ku dhahday waxaas wax kama jiraan waa wax aad iska sawiranayso laakin sida dhabta ah nuura wey dareen saneed waxay sidaas u dhahdayna waa si ey dadka la socdo ugu yareeso cabsida
Wax yar kadib gabadhii ayaa usoo laabatay waxayna ku dhahday qof walbo oo dheelaayo lugihiisa mid ka mid ah waa lug xayawaan nuura iyo asxaabteda cabsi ayaa gashay laakin xaflada ayey sii wateen sababtoo ah naftooda ayey u cabsadeen
Waqti kadib nuura iyo asxaabteda iyaga oo naxsan ayeey kasoo bexeen xaflada oo banaanka qasriga yimaadeen markaas ayey si lama filaan ah u arkeen inee joogan meel ebera oo lama dagaan ah wax walbana wey baa'be'een xitaa gurigii qasriga u ekaa markaas ayey ogaatay in laga soo wacay aroos jinni ma'aha aroos bani aadam ugu dambeyn.
0 Comments
"Waad ku mahadsan tahay fariintaada! Haddii aanan isla markiiba ka jawaabin, waxaan ku suganahay xaalad aan ka jawaabi karin. Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan ugu soo jawaabi lahaa sida ugu dhaqsaha badan. Mahadsanid sabirkaaga!"