SHEEKO XIKMADEYSAN
Nin nijaar ah ayaa dukaankiisa iska xiraayey,wuxuuna u socday gurigiisa.
Marka uu baxay kadib,waxaa dukaankisa galay mas aad u weyn, Maska aad ayuu u baahnaa wuxuuna raadinaayey wax uu cuno, Dukaanka meel uusan ka baarin majirto asigoo wili cunto raadinaya Ayaa wuxuu isku soo riday masaar meesha taalay wuuna dhaawacmay kadib Aad ayuu u xanaaqay wuxuuna isku dayey in uu ka aargosto masaartii Wuxuu bilaabay inuu qaniino, kadib Maskii ayaa afka dhiig ka keenay Lkn maska ayaa kibir iyo xanaaq isku darsaday oo qaniinitankiisa ayaana uu sii watay kadib Waa uu daalay siduu ula dagaalayey masaarti oo u qaniinaayey bartiisa ayuuna ku dhintay.
Maalinta xigtay najaarkii ayaa furay dukaankiisa Wuxuuna arkay mas dhintay oo agtiisa taala masaar leh.
Maska kuma dhiman gacan gofkale ee waxa dilay xamaaqiisa, Mararka qaar markaan xanaaqno, waxaan isku deynaa dhaawacno dadka kale, Lkn muddo kadib waxaan ogaaneynaa inaan nafteena uun aan dhaawici jirnay, Qasab ma ahan inan ka aargoosano qofwalba oo qalad naga gala Haddi uu qof qalad kaa galo, gadaal ulaabo kana fikir qofkas inuu istaahilo jawaabtada Hal daqiiqo oo aad xanaaqdo waxaad qasaarisay 60 ilbiriqsi oo farxad ah, Cadowgaaga ugu weynina waa xanaaqa.
Isku dey marka inaad xakameeso xanaaqaaga, Xakameey xanaaqaaga sababtoo ah wuxuu waxyar u jiraa qatartaada sbbto ah Xanaaq kasta waxaa ka danbeeya xanuun aad uweyn.
Ogow Xanaaqa wax ma xaliyo waxna ma dhiso, inuu waxwalba dumiyo mooyee.

0 Comments
"Waad ku mahadsan tahay fariintaada! Haddii aanan isla markiiba ka jawaabin, waxaan ku suganahay xaalad aan ka jawaabi karin. Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan ugu soo jawaabi lahaa sida ugu dhaqsaha badan. Mahadsanid sabirkaaga!"