Maad doonaysaa inaad hesho geeraar jacayl. Gaar ahaan kuwo amaan dumar ah oo macaan?.
7. Geeraar jaceyl oo macaan badan.
• Dawadaydiyeey hoo.
• Dhaayahaygiyey maqal.
• Dhabtii ruux ku doortoo.
• Dhamigeed aduunyada.
• Dhaayihiisa kaa jecel.
• Dhigaa adigaa aadmiga.
• Kaala soo baxaan ehee.
• Sida dhayda caanaha.
• Ama dhibic aroor timid.
• Aadmigu u dhowrtaan.
• Ayaad iila dhigan tahee.
• Dhabta hooyo ku saartaa.
• Kugu dhashay dhalaalkee.
• Dhibta ruux aad u diida.
• Kuu jecel dhalaankee.
• Ku dhawrtay sidaydi.
• Dhaxal weeyo caashaqu.
• Dhamayso guri ma’aadnaa.
• Dhidibada ma u-adkaynaa.
• Dhaxal yeesha jaceyliyo.
• Dhabta ma isa-saarnaa.
• Dhamideeda aduunyada.
• Dhaayo ma u noqonaa.
• Dhibta hadalka keeniyo.
• Inta dhurata waanada.
• Dhaxal maysku-siinaa.
• Dhab-baan kuu jeclahay.
• Dhamays guri ma-aadnaa.
8. Geeraar jaceyl oo calaacal ah.
• Ma-dhacdaa qof kaa tagay.
• Dharaar aad u baahnayd.
• Inuu erey kusoo dhaho.
• qalbigaaga dhaawaca.
• Dhayalsigu jawaab maleh.
• Dhibta ruuxna lama dhalan.
• Hadii laysku dhiman jiray.
• Hada waa lakala dhacay.
• Kala dhuumashaa timid.
• cid is dheehataan jirin.
• Mar haduu dhantaal yimid.
• Ana aan dhur-suge ahay.
• Maxaa keenay dhiilada.
• arooskiinan dhacay.
• Dhaguhu u daranyee.
• Ila-dhaafa qaylada.
• Hambalyada dhambaalkani.
• Ma dhabaa ilwaadeey.
• Mise waaba dhalanteed.
• Ninka dhawrsan guursaday.
• Nasiibuu igu dhaafee.
• Wali ruuxdo may dhiman.
• Dhoola ka-qosolkaagoo.
• Caawa farxad loo dhigay.
• Inaan dheehdo waan rabay.
• Balse dhawac baan ahay.
• Ninkan aad ku dhagan tahay.
• qalbigaa ka dhiidhiyay.
• Dheeraa xasuusuhu.
• Murugadu dhamaad maleh.
• Dhinacyadu I maqnaa.
• Qof i-dhawrayaan jirin.
• Aan dhintee I daawada.
• Ama dhaafa aamina.
• Dhaxaan sugayee.
9. Geeraar daadic ah oo macaan
• Hadii aad u jaban tahay.
• Ninkastoo jacayliyo
• Kuu sheegta jamasho.
• Noqon-maysid ruux jira.
• Jimco kaad la-kulantiyo.
• Laba jeeblayaashaad
• la-jirtaa dhankoodoo.
• Hadba kii ku jiitaad.
• Jeexiisa noqotaa.
• Berina waad jikaartaa.
• Markuu xiisihi jabo.
• Jawaabaha afkaadiyo.
• Waxa uurka kaaga jira.
• Isku jaadba maahoo.
• Beentaada la-jaartee.
• Waxba haysku kay jabin.
• Galgacayl la-jeelkiyo.
• Jahwareerka caashaqa.
• Jiljileec ka qaadoo.
• Wad jeceylo badatee.
• Caawa yaad la-joogtaa.
10. jaceyl dhab ah geeraar
• Naftayda nafteediyeey.
• Saw kuguma nuuxsadoo.
• Naxli maanka gaadhiyo.
• Saw naafo mad dilin.
• Neecawda caashaqa.
• Saw nuug imaadan odhan.
• Saw nabaradaydiyo.
• Nacasad hore warkeedi.
• Naash-naasha kama tihid.
• Hada noogu maayee.
• Nabdigiyo bogaagaan.
• Saw kuma nagaan karo.
• Kuu nooli aniguye.
• Macaan maan isla-nool nahay.
• Naxariista caashaqa.
• Nuxurkeedi garanaye.
• Nasabiyo boqoradi dumarkaay.
• Xagee baad ku noolayd.
• Nafaqeeyahaygaay.
• Nalki caashaqaygaay.
• Nuurkii darajadaydaay.
• Dadku maaha wada nooc.
• Aadmiga u naxayoo.
• Ma najaxa yidhaahdee.
• Naxli-sida warkeediyo.
• Nux-nuxlayda iska ogow.
• Kuu nuglaaday aniguye.
• Kolba kuma nacaayee.
• Hada niman badaniyo.
• Iga naar shaydaan.
• Nafta kaaga dhigay hooy.
• Hadba aad ku nagidee.
• Adna noonahaygaay.
• jacaylki nagaadee.
• Naanaysta reebaan
• kaa naawilayaa.
11. Geeraar caashaq oo amaan ah
• Jaceyl aan dhamaanbaa.
• Dhakhso iigu beertoo.
• Wali dhaayo kuma Arag.
• Dhegahana kumaan maqal.
• Midaan adiga kuu dhigo.
• Wadnahaad ku dhibicdoo.
• Adaa dhiiga raacay.
• Xididada dhex qaaday.
• Midaan dhaliil lahayn.
• Buu kaa dhigay alle
• Waan ku dhawrayaa.
• Soona dhaqaaq diidee.
• Dhaqsaan kuu imaan lahaa.
• Macaanto.
12. Geeraar kalsooni jaceyl ah oo macaan
• Hadaan baalal leeyahay.
• Sidii shimbirkaan buubi lahaa.
• Bartaad ku nooshahaan.
• Boqorad yahay imaan lahaa.
• Kolkaasay balaalyadu.
• Bilan kuu heesi lahayd.
• Boqorad ku dhihi lahaayeen.
13. Geeraar amaan ah oo macaan
• Dayax wada iftiimiyo.
• Waxaa tahay daruuraha.
• Raxmada da’aysoo.
• Deeq ilaahay baa tahay.
• Ana ruuxa kuu diran.
• Ee dookhu kuu xulay.
• Ku daneeya baan ahay.
14. Geeraar Jacayl naxariis
• Ninkaad danihiisa kaashey.
• Ninkaad noolashiisa kaabtay.
• Ninkaad kolkoolinaysay.
• Korkiisa dhalaalinaysay.
• Kumaankum ninkaad
• Ka-raacday.
• Kashaada ninkaad ku soortay.
15. Geeraar jaceyl raali galin
• Intaas lahaa anigu.
• Ha noqon eedaysane.
• Ahow ruux aaminoo.
• Adkee balankiina oo
• Miyaad adiguna lahayd.
• Ku aasoo iilka gali.
• Koley aadmi bayn nahoo.
• Waxan u abuuranahay.
• Inaan khaladaad galnee.
• Anoo uurka kaa cafiyay.
• Insaan baan koley ahee.
• Ilaah nabsigayga iyo
• ishaydaba Kaa difaac.
• aduunyada kuu xalaalee.
16. Geeraar jacayl oo aad u macaan
• Barbarkaan u jiifsado.
• Baryo ka soo kici maayo.
• Bogga iyo calooshiyo.
• Beerkaa layga badan yahay.
• Bartaada hadaan arko.
• Bisha afariyo tobnaad baa.
• Ber kasta ku moodaa.
• Biicdaada wacanbaa.
• Bartamaha habeenkiyo.
• Bilicsami u eegaa.
Gaba-gabo
Inaad lamaanahaada geeraaro jacayl oo xul ah u dirto. gaar ahaan kuwa aan kula-wadaagnay. Waxay kordhinaysaa dareenka jaceylka uu kuu hayo. ma ahan khayaali ee waa dhab
Waxay ku abuuraysaa soo jiidasho. Iyo inuu xiiseeyo dhagaysiga erayada jaceylka ee afkaada ka soo burqanaya. oo aad u dirtay
Sidaas darteed marnaba hala-bakhaylin lamaanahaada. Inaad la-wadaagto geeraar jacayl ah gaar ahaan kuwan macaan.
La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
Dhamaad.
PART:1 Halkan riix
QORAY: Khalit muztava.🤓
0 Comments
"Waad ku mahadsan tahay fariintaada! Haddii aanan isla markiiba ka jawaabin, waxaan ku suganahay xaalad aan ka jawaabi karin. Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan ugu soo jawaabi lahaa sida ugu dhaqsaha badan. Mahadsanid sabirkaaga!"