Sheeko Xiiso Badan, Nin iyo Naag Isqaba Ku Dhawaad Mudo 30 Sanno Ah Waligoodna Aan Hal Maalin Is Dagaalin Sidoo Kale.
Cali iyo Caasha Waa lamaane is qaba mudo 30 sanno iyo wax kabadn ah
Waxay ahaayeen lamaane aad iskugu faraxsan sida kamuuqatay.
Waa Lamaane Haatan Da' ah, sidaas oo Ay Tahy xupi xiiso jaceyl iyo Wanaag Fara Badan ayaa Dhex yaala. oo xittaa magaalada ay dagan yihiin waxay ka ahaayeen dad la yaqaano,
Dadka magaaladana waxay u ahaayeen Tusaale ama dad ku dayasho mudan,
In kastoo ay da'adoodu weynayd wakhtigaas, Hadan jaceylka ka dhaxeeya marnaba kama aysan muuqan wax nusqaan ah oo sidii lamaane hada isku cusub ayey marwalba udhaqmi jireen.
Maalin malmaha kamid ah ayaa waxa guriga kusoo Booqday, nin wariye caan ah, madama iyaguna ay ahaayeen dad bulshada magaalada ay wada taqaano, taageero weyna u hayaan,
Sidaas darteed ayuu wariyuhuma usoo booqday. si uu nolashooda documentary uga sameeyo.
"Waxaan Rabaa inaan noloshiina taariikh ka sameeyo, maadaama aad tihiin lamaanaha ugu caansan magalada, hadal hayntooduna ay ku badan tahy mahalada iyo bulshada dhexdoodaba".
Waxa sidaas yiri Ninkii wariyaha ahaa.
Dabcan iyaguna waa ay ka aqbaleen.
Wareysi dheer kadib waxa lasoo gaadhay muhiimada sheekadeena.
Wariyihii ayaa waydiiyay lamaanihii sirta ku duugan mudada intaas la'eg in aysan waligood is dagaalin, xitta hal maalina.
iyadoo sida caadiga ah lamaanyasha aduunka kale lagu yaqaano, inuu khilaafad dhex yimaado mararka qaar, madaamo guri laguwada nool yahay.
Ugu Horeyntii waa ayka ma aysan jeclaysan waydiinta su'ashaas
Lkn wariyaha ayaa ku ekeeyay in ay su'aashiisa ka jawaaban
Madaama ay tahay su'aal dadka oodhan ay iswaydiinayan xitta anigama ku dhahoo.
Wakiilma uu ka yahay codsiga iyo baahida dadwaynaha iyo hamuunta ay uqabaan sirtaan aadka uwayn.
Ugu dambayntii lamaanihi waxay go'aan sadeen iney ka jawaabaan su'aashan dadku isla dhex marayaa ee maankoodana wareerisay waxayna galeen xusuus hore oo kasoo bilaab maysa mudadaas 30ka sano ah.
Odey cali ayaa wuxuu isku diyaariyey ka sheekaynta noloshooda bilaa rabashka ah, wuxuuna yiri
32 sano ka hor waxaan ahaa wiil dhalin yaro ah, aadna uqurux badan Hanti iyo maal fara badana leh, taasi waxay keentay in dumarka magaaladu wada jecel yihiin,
lkn cali ma uusan ahayn qof usoo jeeda dumarkaas tirada badan ee doonaya in ay isaga xiriir wadaag la noqdaan,
Cali waxay markaas lamaane ahaayeen maamo caaisha oo markas ayaduma ahayd, gabar aad uda' yar oo aadna uqurux badan, cali iyo caaisha waxay ahaayeen lamaane aad isku jecel wakhtigaas.
Sidaas darteed madaama ay ahaayeen lamaane, waxay maalin malmaha kamid ah isku raaceen Date/dalxiis. Waxay wada qaateen wakhtiyo qurux badan, jawi, bashaal, iyo dalxiis.
Cali waxa uu soo kiraystay 2 faras oo qurux badan, madaama ay caaisho aad ujeclayd farda fuulka, cali wuxu kadis uga dhigay gacaliso diisa faras uu ugu talo galay ayada.
Caaisho markii ay aragtay surprise/kadis ka quruxba badan ee lamaankeedu ugu talo galay waxay isku dayday ineey hore ka fuusho/kaxeyso farasteeda, si dagdag ah ayeey isugu diyaarisay iney fuusho farasta lakiin markii ay bilaawday iney farasta korto waxa dhacay wax layaab leh
Farastii waxay diiday iney fuusho caaisho, oo marka ay isku daydo iney korto farasta ayaa iska tuurtay dhulka ayayna ugasoo dhacday farastii.
Caaisho oo ahayd gabar aad uxanaaq badn waxay isku dayday iney is xaka meyso.
Maamo caasho farastii ayay madaxa u salaaxday, waxayna siisay raashin waxayna ku tiri "farrastaydiyeey waan kuu digayaa waliba markii koobaad"
Cali ayaa la yaabay hadalka ay xaaskiisu ku tiri farasta, lkn waxay ahaataba wuxuu la dhacay ficilka wanagsan ee ay sameesay caaisho
Mar labaad ayeey isku dayday caaisho iney fuusho farasta, lkn isla sidii hore oo kale ayaa dhacday oo farastii ayaa iska tuurtay.
mar labaad caaisho waa ay xanaawday, lkn markaana way is xaka meesay oo sidii hore oo kale ayay madaxa u salaaxday raashina siisay waxayna ku tiri hadalkii hore oo kale "farastaydiiyeey waa digniinti labaad".
Cali waxa uu la yaabay hadalka ay zxptiis leedahay iyo sbbta ay farastu iskaga tuurayso.
Mar kale farastii ayaa iska tuurtay caaisho.
Lkn markaan waxa dhacay wax ka duwan ficilkii hore ee caaisho sameenaysay
Caaisho ayaa Boorsadeeda gacanta ee ay wadatay kala soo baxday BISTOOLAD
Waxayna toogatay farastii oo barbar ugu tuurtay
Cali ayaa afka kala qaaday, isaga oo naxsan ayuu ku qayliyey xaaskiisa, wuxuuna ku yiri " naa kaalay wax bilaa naxariisa ayaa tahee maxaad u toogatay farasta, miyaad iska daysid hadii aysan ogaleen farastu inaad fuusho.
Caaisho ayaa iyadoo aad moodo ineysan waxba sameen oo xaladeedu dagan tahy ugu jawaabtay zxpkeed cali
"Iney dhunkatay/shumisay, eyeey ugu jawaabtay, Waa digniintii 1aad lamaanaheygii aan jeclaayoow
Cali oo xusuusan wixii ku dhacay farasta markii loo digay, ayaa cabsi gashay
Wakhtigaas kadibna wuxu go'aan saday inuusan mar labaad ka xanaajin xaaskiisa hadii kale ay ku dhacayaan wixii farasta ku dhacay oo kale, madama uu ahaa mid aad ujecel caaisho oo aan ka maarmi karin.
Intaas kadib malin dambe cali iyo caaisho wax khilaaf ah ma uusan dhex marin, madama oo caaisho aheed ma fara fudud oo xanaaq badan.
Ninkii wariyaha ahaa iyo dadkii la socday ayaa qosol la dhacay, kuna qoslay qisada yaabka leh ee ka dambeysa jaceylka lamaanahan.
Waxana halkaas kusoo dhamaaday waraysigii uu la lahaa lamaanahan
Arintii ayaa gaadhay dadkii magalada oo dhan, kuwaas oo la yaabay sirta ku duugneed cali iyo caaisho.
Hada ali iyo caasho waa lamaane wali is qaba oo is jecel, in kastoo ay da'a yihiin
Hafana waxay ka romantic san yihiin wax badan oo kamida dhalin yarta hada jirta.
Hadaba adiga ayaan su'aal kuweydiinaya akhrisow ee, waa maxay dulucda sheekadan yaabka badan, maxaadse ka faaiday sheekada cali iyo caaisho?
0 Comments
"Waad ku mahadsan tahay fariintaada! Haddii aanan isla markiiba ka jawaabin, waxaan ku suganahay xaalad aan ka jawaabi karin. Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan ugu soo jawaabi lahaa sida ugu dhaqsaha badan. Mahadsanid sabirkaaga!"